Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Bilad sharaf lagu guddoonsiiyay Geneva (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wuxuu maanta Xarunta dhexe ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ( WHO ) ee Geneva ku guddoomay bilad sharaf weyn oo uu guddoonsiiyay madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka Dr. Tedros.

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa waxay abaal marintan ku mutaysatay hirgalinta Xarumo caafimaad oo ku shaqeeya tamarta qorraxda.

Xarumahan caafimaad ayaa waxay bixiyaan adeegyo caafimaad oo kala duwan. Waxaana xusid mudan in xiligii uu dalka saameeyay caabuqii Karoonuha ay wasaaradda ku guulaysatay hirgalinta warshadaha dhaliya hawada ( oxygen ) kuwaas oo 100% ku shaqeeya tamarta cadceedda, waxaana laga hirgaliyay gobollo kala duwan oo ku yaala dalkeena Soomaaliya.

Bilowga faafinta goobaha caafimaad ee ku shaqeeya cadceedda ayaa ah qorshe weyn oo ay wado Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee XFS.

Qorshahan ayaa waxaa laga damacsanyahay in uu kor u qaado tirada iyo tayada adeega caafimaadka ee dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale waxay ka qayb galeen kulamo gaar-gaar ah oo ay la yeesheen waaxaha kala duwan ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada farsamo ee haayadu ay siiso dalkeena Soomaaliya.

Ugu danbayn kulamada oo socon doona ilaa 24 ka Bishan Janaayo ayaa waxaa la rajaynayaa inay guulo badan usoo hooyaan hanaanka caafimaadka ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -