Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Qarax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay bartamaha magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Saraakiil katirsan booliiska magaalada Paris ayaa sheegay in qaraxa u maleenayaan in uu ka dhashay Gaas , waxaana qaraxa uu si gaar ah uga dhacay goob foorno ah oo kutaala xaafada Rue de Trevise ee magaalada Paris.

Inta la xaqiijiyay qaraxa xoogan ee ka dhacay magaalada Paris waxaa ku dhaawacmay 9-qof, waxaa sidoo kale qaraxan waxyeelo badan gaarsiiyay dhisamayaal kuyaala halka uu ka dhacay.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxan uusan u muuqan mid argagaxiso balse yahay mid ka dhashay Gaas, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay socdaan baaritaano la xariira qaraxan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -