Rag horey u dilay nabadoon caan ah oo lagu toogtay fagaaraha Iskoolo Buluusiyo

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasoo horey u dilay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan ayaa horey degmada Wadajir ugu dilay Hilowle Xeefow Xuseen oo kamid ahaa nabadoonada caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah, waxaana maanta agu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay oo aheyd fagaaraha iskoolo buluusiyo ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwaasoo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya inay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen.

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay xubno ka tirsanaa Alshabaab, waxaana u dambeeyey nin dhawaan lagu toogtay Baydhabo, ka dib markii lagu heley dembi ah inuu dilay Shiilkh caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -