Nin Haan la farsameeyay doonaya in uu uga talaabo badda Atlantic (Daawo Sawirada)

Nin oday ah oo u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Jean-Jacques Savin ayaa bilaabay in haan loo farsameeyay sidii doon oo kale uga gudbo Badda Atlantic , haantan waxaa wadaya hirarka badda.

Jean-Jacques Savin oo 71-sano jir ah ayaa  kasoo dhaqaaqay jasiirad ku taalla dalka Spain, waxaana odaygan uu ku safrayaa haanta la farsameeyay uu doonayo in uu biyaha badda Atlantic uga gudbo.

Ninkan ayaa gudaha haanta ka sameestay meel uu jiifto iyo sidoo kale meel uu raashinka ku karsado, waxa uuna Odaygan doonayaa inuu gaaro dalalka Caribbean-ka wax ka yar saddex bilood safarkiisa dhinaca badda.

Jean-Jacques oo Telfoon kula hadlay Wakaalada wararka AFP ayaa sheegay in safarkiisa si wanaagsan u wato, waxa uuna tilmaamay haanta uu saaran yahay in 2 ilaa 3 kilomitar ay jareyso saacadiiba .

Warbaahinta ayaana si weyn u hadal heysa safarkan Odayga ku baxay kuna safray haan Doon camal loo sameeyay, waxaana haanta ku xiran soolaro uu ninkan ka helayo koronto iyo sidoo kale isgaarsiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -