Khilaaf u dhexeeya Wasiirka qorsheynta & Xoghaye Axmed Nuur Maxamed oo soo shaac baxay ( Maxaa la isku Khilaafay?)

Warar lagu kalsoon yahay oo shabakadda Allbanaadir Online  ka heshay xafiiska R/wasaare Xassan Cali Khayre ayaa sheegaya in RW Khayre ku jahwareersan yahay,  xal-na uu ka gaari la’ yahay khilaaf muddo hal isbuuc ah oo u dhexeeya xoghayaha joogtada xafiiskiisa Axmed Nuur Maxamed Cabdi & wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah Jamaal Maxamed Xassan, khilaafkaas oo salka ku haya mashaariic laga soo qaaday dalalka carbeed & hay’ado caalami ah, oo lagu kala booday habkii loo maamuli lahaa.

Mid ka mid ah howlwadeenada xafiiska oo isha ku hayey khilaafka Jamaal & Axmed Nuur oo xogtan la wadaagay Allbanaadir Online isaga oo dalbaday in aan magaciisa la xusin,  ayaa sheegay in wasiirku sameystay shirkado uu isagu leeyahay oo uu ku naas-nuujiyo mashaariicda, isaga oo qaar ka mid ah mashaariicdaas oo ay ku baxayaan malaayiin dollar siiyey shirkadihiisa; Halka xoghaye Axmed Nuur oo ah gacanta middig ee RW Khayre uu la socdo dhammaan mashaariicda la helo & in lacagahaasi jeebka lagu shubto.

“Mashaariicda badankood waxeey soo maraan xafiiska R/wasaaraha, waxaana la socdo xoghayaha joogtada Axmed Nuur, markii ay mashaariicdu soo baxaan waxaa la wareegaya wasiirkii qorsheynta. Axmed Nuur wuxuu ogyahay in lacagtaas aysan ku baxeyn sidii loogu talogalay oo wasiirku jeebka ku shubanayo, wuxuu isku dayayaa inuu qeyb “percentage” ka helo, marka wasiirku diido qeybtaas waxaa ka dhalaneysa in maryo dhiig leh la kala furto” Ayuu yiri mas’uulkaas ka tirsan xafiiska RW Khayre oo xogtaasi la wadaagayey Allbaaadir, isaga oo intaasi raaciyey in nidaamka dowliga ah uu uu noqday wax afka un laga sheego balse aan lagu camal falin.

“Nidaamka sharciga ah wuxuu dhigayaa marka ay mashaariic soo baxaan in tartan la geliyo dhammaan shirkadaha muwaadiniintu leeyihiin, kaddibna la siiyo mashruuca muwaadinkii ay shirkadiisu hesho, Soomaaliya taas weligeed kama dhicin waxaa inta badan dhacda in mas’uuliyiintu ay iyagu shirkado sameystaan, ama ay shirkado heshiisyo la galaan kuwaasna ay siiyaan mashaariicda si ay wax ula qarba-booshtaan, wuxu ogyahay in cidda gaarka ah ee uu wataa aanay helayn mashruuca oo uu ka baqo qabo, taas badalkeedana uu suuq madow ku doonaayo inuu ku qaato oon tartan iman” Ayuu yiri howlwadeenka ka tirsan xafiiska RW Khayre.

RW Xassan Cali Khayre  madal kasta ee uu ka hadlo waxa uu ka sheegaa in xukuumadiisu ay la dagaalameyso musuqmaasuqa, haddana marka aad u fiirsado eedaha iska soo daba dhacaya ee loo jeedinayo xoghayihiisa joogtada ah, ee la leeyahay waa shaqsi ku naaxay boobka & ku daneysiga hantidii ummadda, waxaa kugu soo dhaceysa maahmaahdii Soomaaliyeed ee aheyd [“Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee kan kale midda saaran ayuu arkaa”.]

Ugu danbayntii Magaalada Muqdisho waxaa laga soo sheegayaa inay ka dhacaan dilal qofka laga dilanayo xilka ama shaqada uu haysto,Ama Mashruuca la siiyay taas oo ah dhaqan cusub oo aan horay u dhici jiray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -