Madasha Badbaado Qaran oo Warqad xasaasi ah u dirtay Beesha Caalamka (Akhriso)

Madasha Badbaado Qaran ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa warqad xasaasi ah u dirtay Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya iyo qaar kamid ah wadamada sida weyn u daneeya  Soomaaliya.

Warqadan Madasha Badbaado Qaran u dirtay Beesha caalamka ayaa xubnaha la gaarsiiyay waxaa kamid ah Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Xoghayaha arimaha Dibadda Mareykanka ,Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo wadamo kale .

Madasha Badbaado Qaran qoraalkan ay u dirtay Beesha caalamka iyo wadamada daneeya Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku fashilmay hirgalinta doorasho loo dhan yahay uuna abuurayo khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Qoraalka ay dirtay Madasha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Farmaajo fashiliyay shirar horey looga yeeshay arimaha doorashada uuna hada iclaamiyay shir kale , xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayo dhinacyada Soomaaliya isku haya.

Waxaa sidoo kale qoraalkan loo diray Beesha caalamka loogu sheegay in Madaxweyne Farmaajo wali xasilooni daro ka abuurayo gobolka Gedo uuna halkaasi u daabulayo ciidamo, taa oo kasoo horjeeda qodobadii kasoo baxay shirka Baydhabo.

Madasha Badbaado Qaran ayaa sidoo kale xustay in Farmaajo amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taa oo ay sheegeen in lagu doonayo fashilinta shirka ka dhacaya xeendaabka Garoonka Aadan Cadde.

Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, waxa ayna xuseen in Farmaajo ciidamadan uu ku daabulayo Garoonka Aadan Cadde iyo Gedo ay yihiin mid uu ku doonayo in xilka kusii heesto.

Ugu Dambeyn madasha Badbaado Qaran ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay soo faragaliso xaalada siyaasadeed ee dalka sidoo kale shirarka looga hadlayo arimaha doorashada laga qeyb galiyo dhamaan saamileyda siyaasada Soomaaliya.

Halakan ka AKhriso Qoraalka Madasha u dirtay Beesha Caalamka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -