RW Khayre oo kormeeray xarumo Wasaaradeed iyo talisyo ciidan (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, iyo xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda kula kulmay wasiirka Wasaaradaas Maryan Aweys, agaasimaha oo xog ka siisay hannaanka ay u socdaan howlaha Wasaaradda iyo shaqooyinka uga qabsoomay qorshayaashii laga doonayay in Wasaaraddu ku guuleysato sannadkan dhammaadka ah.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraha ayaa booqday xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed halkaas oo kulan uu kula qaatay taliyada Booliiska dalka, General Bashiir Cabdi Maxamed iyo ku-xigeenadiisa oo ay ka wada hadleen dar-dar gelinta hannaanka adkaynta amniga dalka guud ahaan gaar ahaan caasimadda.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka Wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ee isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -