Jabuuti oo diiwaangelisay dadkii ugu badnaa ee maalin kaliya laga helay COVID-19

Dalka Jabuuti ayaa lagaga dhowaaqay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunka Covid-19 iyadoo wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ay maanta shaacisay kiisas cusub oo dhan 83.

Tirada guudna ee dadka cudurka uu ku dhacay ee dalkaas ayaa waxay ku dhowdahay 300 qof, iyadoo laba qofna dhimashadooda ilaa haatan la xaqiijiyey.

Dadka maanta laga helay cudurka oo ah kuwii ugu badnaa ee dalkaas laga diiwaan geliyo ayaa ku biiraya 214 oo horey loo diiwaan geliyey cudurka, taasoo tirada guud ka dhigeysa 297 qof.

Dowlada ayaa sheegtay in labo ka mid ah dadkaas ay u dhinteen cudurka halka 36 kalena ay ka bogsadeen oo guryahooda loo diray, waxaana shacabka dalkaas loogu baaqay iney qaataan tilmaamaha ka hortaga cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -