Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaro ka dhashay gantaalo Iran ku weerartay Isra’il kahor heshiiska…

Iran , ayaa tiro gantaalo culus waxa ay ku weerartay gudaha Israa’iil, kahor inta aysan hirgelin heshiis xabbad-joojin ah uu soo jeediyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, heshiiskaasi ayaana lagu waramayaa in uu hadda dhaqan galay.

Gantaalada Iran ku weerartay gudaha Israa’iil, saacado kahor ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uu sidoo kale weerarkan uu sababay in ay burburaan dhismayaal gaar ah oo isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa shacab ah.

Sargaal u hadlay adeegga gurmadka deg dega ee Israa’iil, ayaa sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Iran ka geesatay gudaha Israa’iil in ay ku dhinteen afar qof, halka sidoo kale ku dhaawacmeen 22 qof oo kale, dadka qaar ayuuna sheegay in dhaawacyadooda culus yihiin.

Heshiiska xabbad-joojinta ee loogu baaqay Iran iyo Israa’iil, ayaana ku taagneen cago badan, waxaana wali cabsi laga qabaa in labada dal halkoodii kasii wadaan duqeymaha culus ee dhinaca cirka ah ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo sababay khasaarooyin badan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaana ku dhawaaqay heshiiskan xabbad-joojinta ee xalka loogu raadinayo dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil uu taageerayo, kaddib markii xaalada kasii dartay ayna Iran ku qaaday Qatar weerar aargoosi ah oo ka dhan ah Mareykanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Wasiir Jaamac u wareejin waayey xilka Wasiirka Difaaca DF?

Caydiid Ali

Doorashada iyo Habraaca kuraas cusub oo katirsan gollaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay qaraxii garoonka Kabul & Taliban oo War soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---