Dagaal saaka ka dhacay Beladweyne iyo dibed-baxyo rabshado wata oo ka socda

Xiisad ayaa saaka ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan , iyadoo saaka shacabku ku waabariisteen dhawaqa rasaas bartamaha magaalada ka dhacaysa.

Wararka waxay sheegayaan in koox dhalinyaro oo isa soo abaabushay ay rasaaseeyeen ciidamo boolis ah oo ku sugnaa bar kontarol kuwaasoo kasoo horjeeda booqashada maanta lagu wado inuu Beledweyne ku tago madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo warar soo baxaya sheegayaan in la baajiyey mar kale.

“Beledweyne waxaa saaka ka taagaan xiisad, buuq iyo dibadbaxyo ay wadaan qaar kamid ah dadka deegaanka” ayuu yiri goob jooge ku sugan magaalada, waxaana uu intaa ku daray in dadweynaha ay dhagxaan ku jareen jidadka, ayna gubayaan taayarada baabuurta.

Khilaafkan ayaa salka ku haya dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay dadka sheegayaan in aanay ku qanacsaneyn qaabka awoodda loo qeybsaday.

Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu xallinayo khilaafkan, waxaa shaley Beledweyne gaaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax si uu dhageysto tabashada dadweynaha iyo dhinacyada kala duwan

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo rabshadaha ka dhacay magaalada Beladweyne oo xaalkeedu weli aanu degeneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -