DEG DEG: Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne

Qarax xoogan ayaa ka dhacay goor dhow oo fiidnimadii ah afaafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne oo ku taalla xerada Lama galaay, halkaasoo ay degan yihiin madaxda sare ee maamulka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoog badan oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Balad-weyne sida ay sheegayaan shacabka magaalada.

Rasaas badan ayaa ka dambeysay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxu uu ahaa mid ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey

La soco wixii soo kordha

- Advertisement -