Allbanaadir.com
NEWS

Xil wareejin ka dhacday xafiiska Raisul Wasaare Xamse (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo loo bedelay Wasiirka arrimaha dibeda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira al shabaab.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo al shabaab iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Muxuu Madaxweyne Ciro kala hadlay danjiraha Mareykanka?

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyyaad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---