Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo shaaciyay in DFS dagaal qaawan kusoo qaaday

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka fadhiga golaha guurtida maamulka Somaliland, ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya iyo dagaal qaawan kusoo qaaday.

Cirro, ayaa sheegay in beesha caalamka ku wargeliyeen in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ku tagay Laascaanood ay aheyd  ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaaday maamulka Somaliland .

”Xukuumadaydu waxa ay beesha caalamka ku wargelisay in imaantinka Wasiirka 1aad ee Soomaaliya uu yahay ku xad gudub Qaranimada Somaliland iyo dagaal qaawan oo Somalia ku soo qaaday  Somaliland, si ay ugu Khalkhal geliso, una wiiqdo dadaalada nabadaynta, iyo walaaleynta ah ee ay  Somaliland waddo oo tacab weyn iyo halgan adag ku yimi. Mar labaad, Waxa aan ka digeynaa in xadgudubkaasi uu sababi karo colaado sokeeye oo soo degdega” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweyne Cirro, ayaa caddeeyay in dalalka deriska ah iyo beesha caalamkaba ku wargelinayaan in ay sii wadayaan dadaalada nabadeynta, walaaleynta iyo deris wanaagga, waxa uuna xusay in maamulkiisa uu   awood buuxdu u leedahay in ay gardaro kasta iska difaacaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo amar adag ku soo rogtay Isbitaalka gaarka ah

Caydiid Ali

Xubno badan oo Daacish u qaabilsanaa lacag aruurinta oo la qabtay

Cabdi Cade

Dal bilaabay in uu gubo meydadka Muslimiinta u geeriyooto cudurka Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---