Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Kampala (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo magaakada Kampala , waxa uu kula kulmi doonaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah ah.

Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, iyada oo labada Madaxwayne ay sidoo kale ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa maalmo kahor sidoo kale safar ku tagay dalka Jabuuti, waxa uuna halkaasi kula soo kulmay dhigiisa Jabuuti uu ka codsaday in garab ku siiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Related posts

Odayaashii u xirnaa heshiiska Al-shabaab oo Magalada Muqdisho loo soo wareejiyey

Caydiid Ali

Farmaajo oo Asteeyay Maalinta la Dagaalanka Musuq maasuqa Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Jilaa dilay Hooyadiis sidoo kale qorsheeyay Dilka Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---