Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay cashuuro ballaadhan oo uu ugu magac daray “Maalinta Xorriyadda”, oo ay ku jirto 25% oo ah canshuuro lagu soo rogay dhammaan gawaadhida laga keeno dibadda.
Intii uu ka hadlayay Aqalka Cad, Trump ayaa soo bandhigay shax muujinaysa heerka canshuuraha uu Maraykanka ku soo rogay dalalka kala duwan:
- Shiinaha – 34%
- Midowga Yurub (EU) – 20%
- Hindiya – 26%
- Koonfurta Kuuriya – 25%
- Jabaan – 24%
- Taiwan – 32%
Canshuurahani waxay qeyb ka yihiin dadaalka Trump ee uu ku sheegay inuu dib u dhisayo dhaqaalaha Maraykanka.
Wakaaladda wararka ee Reuters , ayaa ka soo xigatay madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen; “Canshuuraha uu Mareykanka soo saaray waxay dhabar jab xooggan ku yihiin dhaqaalaha adduunka Cawaaqib xun oo saameyn ku leh malaayiin adduunka ku nool ayay sidoo kale dhalin.”
Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay inuu ka soo horjeedo canshuuraha uu Mareykanka soo saaray, iyadoo wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ay sheegtay inuu Shiinaha qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka , si loo ilaaliyo danaha Shiinaha.