Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo ciidamadii ugu badnaa hal mar qoranaya & Putin oo amar baxiyay

Dowladda Ruushka ayaa qoranaysa askar cusub oo qeyb ka noqonaya milatariga dalkaasi, xilli ciidamo aad u tiro badan oon wali la shaacin inta ay la egyihiin ku dhinteen dagaalka aan wali dhammaan ee ka socda qeybo kamid ah dalka Ukraine.

Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa amray in la qoro ciidamo cusub oo gaaraya 160-kun oo askari, kuwaa oo ah dhallinyaro rag ah oo da’dooda u dhaxeyso 18- ilaa 30 sanno jir, waxaana dhallinyaradan la siin doonaan tababar sare si ay ciidamada Ruushka qeyb uga noqdaan.

Tirada askartan cusub ee Ruushka qorayo ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa tan iyo sanadkii 2011-kii,  waxa ayna madax katirsan dowladda Ruushka sheegeen in askartan cusub ee hadda la qorayo aysan ku jirin qorshaha in loo diro dalka Ukraine.

Madaxweyne Vladamir Putin , ayaa dhawaan sheegay in dowladiisa ay  kordhineyso tirada guud ee ciidankoooda oo la gaarsiiyo ku dhawaad ​​2.39 milyan oo askari, halka tirada  askarta keydka iyana  la gaarsiiyo 1.5 milyan .

Ciidamada cusub ee Ruushku qoranayo , ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Ruushka aysan wali guulo waa weyn aysan ka gaarin dagaalka Ukraine ayna ka cago jiidayaan in xabbad-joojin aqbalaan, taa uu Mareykanka gadaal ka riixayo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xerada TurkSom tababar ugu soo xiray Saraakiil Ciidan (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa Kuma Agaasimihii Awooda badnaa ee dhawaan Xil ka qaadistiisa safka loo galay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---