Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka socda buuraha Xabley & kooxda Daacish oo bilowday..

Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayaa xalay ilaa saaka ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley ayaa bilowday, kaddib markii koox ka tirsan Daacish ay soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku lee yihiin Dhaban-qooxle.

Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa si adag isaga difaacay weerarkii Daacish ku soo qaaday saldhiga, halkaasoo ay ciidamadu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Kooxda, rasaas xoogan ayaana weli socota

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 kale, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay wararku sheegayaan.

Puntland ayaa weli dagaal sifeyn ah kula jirta kooxda Daacish oo inta badan fariisimahoodii buuraha Calmiskaat laga saaray, waxaana socda howlgalo goos goos ah oo ciidamadu sheegayaan iney kula jiraan firxadka kooxda Daacish.

Related posts

Duqa Muqdisho oo Agaasimayaal cusub gobolka u magacaabay (Magacyo+Sawirro)

Cabdi Cade

Uhuru Kenyatta oo amar siiyay qaar kamid ah Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Rooble oo sheegay in Xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso dhamaystirka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---