Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo NISA ku tilmaamay ciidan la mid ah Hangashtii Siyaad Barre (Akhriso)

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo NISA ku tilmaamay ciidan la mid ah Hangashtii Siyaad Barre (Akhriso)

Siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaarad ah oo maanta war ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa si aan horey loo arag u beegsaday heyadaha amaanka Qaranka gaar ahaan NISA.

Xubnahan ayaa ku eedeeyey NISA iney noqotay heyad ay ku shaqeystaan Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka, iyagoo ku eedeeyey iney shacabka kula kacaan xarig iyo jirdil sharci daro ah ayna ku hayaan dhibaatooyin kale oo badan.

NISA ayey ku tilmaameen iney la mid noqotay nabad sugidii dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre ee la oran jiray Hangash.

Kooxaha warkan soo saaray oo ka koobnaa dhowr xisbi oo qaarkood aan dalka ka diiwaan gashaneyn iyo madal xildhibaano isku magacaabay Horusocod ayaa siyaasadii ka dhanka aheyd dowlada iyo mucaaradnimadii waxay la gashay iney jaa’ifeystaan ciidankii Qaranka har iyo habeen u taagnaa sugida amaanka dalka taasoo dad badan ay ku tilmaameen wax laga xumaado.

Waa kan qoraalka ay soo saareen oo aysan cidina ku saxiixneyn:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -