Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo xoojineysa amniga magaalada Kismaayo (Sawirro)

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, oo ay wehelinayaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan booliska, ayaa kormeer shaqo ku tagay baro kantarool oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd hubinta habsami-u-socodka shaqooyinka ciidamada iyo dhiirrigelinta ilaalinta Ammaanka Magaalada.

Saraakiisha kormeerka qaybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa: Taliyaha Hoggaanka Nabadgalyada Wadooyinka, Cabdishakuur Sheekh Dhayib, Taliyaha Saadka ahna Ku-simaha Hawl-gallada, Kabtan Mukhtaar Cabdi Kaahin Afhayeenka Booliska, Shukri Faarax Ducaale, Taliyaha Saldhiga Xaafadda Midnimo, iyo saraakiisha kale ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

Kormeerka ayaa xooga lagu saaray sidii ciidamada ay ugu adeegi lahaayeen shacabka si masuuliyad leh, iyaga oo muujinaya dulqaad iyo hufnaan marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Taliyaha CID, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi, ayaa ku boorriyay ciidamada inay sii adkeeyaan hawlgalada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo inay shacabka ula dhaqmaan si  xilkasnimo leh, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee ku aaddan ciidamada Booliska.

Related posts

Laftagareen oo wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Aas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Abwaan Hadraawi iyo Madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiir isaga oo Buug xadaya la qabtay iyo Warbaahinta oo hadal heysa !! (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---