Hambalyo uu Muuse Biixi u diray Joe Biden oo fal-celin yaab leh la kulantay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxaan Hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Karmala Harris.” ayuu yiri Muuse Biixi oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Somaliland ayuu sheegay iney tahay saaxiib la isku halleyn karo oo diyaar u ah inay Maraykanka kala shaqeyso xoojinta dimoqraadiyadda iyo amniga caalamka” ayuu raaciyey Muuse Biixi Cabdi.

Hase ahaatee shacab fara badan ayaa ka fal-celiyey qoraalkan kuwaasoo ereyo kulul ku weeraray Muuse Biixi.

Qaarkood ayaa soo qaatay sawir wareegayey baraha bulshada oo muujinaya ciyaaraha Gobollada Somaliland oo xili habeen ah lagu ifinayo feynuusta matarmakis-ka loo yaqaano, maadaama uusan leyr laheyn garoonka Hargeysa.

Shacabka qaarkood ayaa ku eedeeynayey maamulka Muuse Biixi inuu dadka ku mashquuliyo nabad aan horumar laheyn, iyagoo tusaale u soo qaadanayey garoomo ku yaalla Muqdisho oo ay sheegeen in si casri ah loo dhisay, xili amaan buuxa uusan ka jirin.

”Kuwan aad u hambalyeyneyso inaad jirtaba kuma oga ee sida ay dalkooda u dhisteen kaaga u dhiso” ayuu yiri mid ka mid ah akhristayaashii ka falcelinayey qoraalka Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -