Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha SSC oo dhagax dhigay Mashruuc weyn (Sawirro)

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta dhagax-dhigay Gegiga diyaaradaha Caasimadda Laascaanood.

Ugu horrayn wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa ka warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo qorshaha uga dejisan ka wasaarad ahaan garoommada SSC-Khaatumo.

Dhismaha gegiga Caasimadda ayaa ka mid ah qorshaha Isku-Tashiga bulshada ee lagu horumarinayo deegaanka.

Ugu dambayn hoggaamiyaha u mahadceliyey guddiga Horumarinta Caasimadda oo gacanta ku haya dhismaha gegiga, sidoo kale hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay guud shacabka reer SSC-Khaatumo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin Horumarinta deegaankooda, isaga oo xusay in ka xukuumad ahaan uu muhiimad gaar ah u leedahay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhagaalaha.

Mashruucan İsku-Tashiga bulshada ayaa horay ugu guulaystay dhismaha, xarumo dawladeed iyo kuwo dan guud ah oo badan.

Related posts

Imaaraadka Carabta oo War kulul kasoo saartay Xiisada kasoo cusboonaatay Muqdisho

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Jabuuti oo meel xun isla gaaray & Wasiirka Arimaha Gudaha & James Swan oo madaxa …

admin

Cabasho xooggan oo laga soo gudbiyay wasiir katirsan XFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---