Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xoosh oo gaaray Jowhar & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay madaxweynaha maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wafdigiisa, waxaa madaxtooyada maamulkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xusseen (Ali Guudlaawe), Wasiir Xoosh ayaana Madaxweyne Cali Guudlaawe uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay.

“Wasiir Cali Xoosh, adiga iyo wafdigaaga kusoo dhawaada caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar, mudnaan gaar ah ayay inoo tahay soo gaaristiina.” ayii yiri Cali Guudlaawe

Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Gudaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya inta uu joogo magaalada Jowhar waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa hoggaanka iyo shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Related posts

(Daawo) Xassan Shiikh oo khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka

Caydiid Ali

Ogow Tirada lacagta ay Xildhibaanada Galmudug ka heleen Doorashada maanta dhaceysa

Cabdi Cade

Turkiga oo Afrika ka furanaya Saldhigii Labaad iyo Jaziirada Sawaakin oo lagu wareejinayo

admin
Taboola Ads ---