Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Suldaan Saciid Axmed oo Matalayay dalka Finland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xildhibaanka kala hadlay kaalinta dowladda Finland ee ku aaddan taageerada barnaamijka xukuumadda ee dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland, ayaa dhowaan waxaa loo magacaabay xilka cusub ee ah in wasaaradda arrimaha dibedda ee Finland uu u qaabilsanaado nabadeynta iyo dhexdhexaadinta gobolka Geeska Afrika.

Related posts

Xogo Cusub oo laga helay Ciidamada Dowlada Geesay Eritrea iyo Ujeedka ka dambeeya

Cabdi Cade

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u shaacisay iney kala tagayaan seygeeda Axmed Xirsi

Caydiid Ali

(Sawirro) 29 ka Mid ah xubnaha Golaha wasiirada Somaliland oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---