Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada oo War kasoo saartay kulankii dhax maray Rooble iyo Cabdi Xaashi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka.

War kasoo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in  is-afgarad ku soo dhammaaday kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka oo dhax maray  Raisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka dhax maray Raisul Wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada gaar ahaan cida maamuleysa doorashada Xildhibaanada matalata gobolada Waqooyi iyo magacaabista guddiga doorashada.

Related posts

Madaxweyne Cirro oo shan qodob kala hadlay guddoomiyaasha gobolada

Cabdi Cade

Kuuriyada Waqooyi oo sameesatay Markab cabsi badan ku abuuray cadawgeeda

Cabdi Cade

(Akhriso) Duqa Muqdisho oo soo saaray Wareegto xil cusub lagu magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---