Dhayman aad u weyn oo laga helay dal kuyaala Qaarada Afrika (Daawo Sawirada)

Dalka Botoswana oo kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika ayaa laga helay dheyman qaali ah oo  la rumeesan yahay in uu yahay kan saddexaad ee ugu weyn  dunida sida ay shaacisay dowlada Botoswana.

Dheymankan la helay oo culeyskiisu yahay 1,098 carats, ayaa sidoo kale la sheegay in uu yahay kii ugu cuslaa ee abid laga helo dalka Botoswana oo ah dalka ugu badan ee laga soo saaro Dheymanka ugu badan qaarada Afrika.

Shirkadda dheemanka, Debswana, ayaa heshay dheymanka oo nuucuusi yahay Gemstone , waxaana horey dalka Botoswana looga helay sanadkii 2015-kii dhaymanka labaad ee dunida ugu weynaa kaa oo culeeskiisa lagu sheegay 1,109 carats.

Wasiirka macdanta ee Botswana, Lefoko Moagi, ayaa warbaahinta usoo bandhigay dheymankan qaaliga ah ee laga helay dalkaasi, waxa uuna sheegay in dheymanka la helay xili uu Covid-19 hoos u dhigay dheymankii ay dibadda u dhoofin jireen.

Dheemankii uggu weynaa ee la helo ayaa culeeskiisu ahaa 3,106 carrots, waxaana dheymankaas laga helay dalka Koonfur Afrika sanadkii 1905-tii, waxaana labada dheyman ee culees ahaan kusoo xiga iyana laga helay dalka Botoswana oo daris la ah Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -