Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka digay arrin halis ah oo laga damacsan yahay doorashada KG

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay khilaafka la sheegay inuu hareeyay guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Khilaafka ka dhex jira guddiga doorashada ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo cadaadis xoog leh oo ay saareyso dowlada federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada ay guddiga doorashada Koofur galbeed cadaadis ku saareyso inaysan doorashada ka qeybgelin musharixiinta uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo xubno kale.

Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa sheegay ineysan suuragal aysan in doorashada Baydhabo laga reebo musharaxiin gaar ah, maadaama dadka sharaxan dhamaantood ay ka soo jeedaan Koonfur Galbeed, xaqna u leeyihiin in la doorto ama wax doortaan.

Waxaa uu Guddiga doorashada uga digay iney sameeyaan Nin jecleysi,  wuxuuna u soo jeediyey in doorahsada uu ka qeybgalo qof kasta oo buuxiya shuruudaha laga doonayo musharaxiinta.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili shalay guddiga doorashada Koonfur galbeed ay markii labaad dib u dhigeen doorashada, iyagoo soo saaray jadwal cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Museveni iyo William Ruto oo kursi muhiim ah la raadinaya Raila Odinga

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow sababta ka Dambeysa amarkii kasoo baxay Hanti dhowraha Qaranka

Cabdi Cade

Lamaane Cadaan ah oo Aroos Cajiib ah ku dhigtay magaalada Hargeysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---