Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalyahannadii xukunka ka tuuray Bashaar Al-assad oo lakala diray

Maamulka cusub ee la wareegay xukunka dalka Suuriya , ayaa ka shaqeenaya wanaajinta sumcadooda, waxa ayna hadda bilaabeen  sidii meesha looga saari lahaa maleeshiyaadkii xukunka ka riday Bishaar Al- assad.

Taliyaha guud ee maamulka Suuriya, Axmed Al Sharac ayaa shalay ku dhawaaqay in la kala diray dagaalyahannadii ka qeybqaatay kacdoonkii xukunka looga tuuray Bashaar Al-assad, kaddib kulan uu la qaatay hoggaamiyayaasha kooxihii ka qeybqaatay howlgalkii militari ee lagu soo afjaray maamulka kontonka sanno xukumayay Suuriya ee reer Assad.

Al Sharac, wuxuu sheegay in ciidankii qeybta ka ahaa howlgalka iyo hoggaamiyayaashooda lagu biirin doono ciidanka militariga Suuriya, oo la hoos geeyay wasaaradda difaaca Suuriya.

Waxa uu uga mahadceliyay Al Sharac kooxihii kacdoonka ka qeyb qaatay naf hurnimadii ay sameeyeen, waxa uuna xusay in la joogo xilligii la qarameyn lahaa maleeshiyaadka una noqon lahaayeen ciidan nidaamsan.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga ee xalay dhacay iyo qodobadii…

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo ka jawaabay arrin uu ku dhaqaaqay Farmaajo

Caydiid Ali

Ciidamada Liyuu Booliis oo laayay dad badan oo shacab ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---