Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal dhax maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo

Wararka ka imaanaya degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag , ayaa sheegaya in xalay dagaal daqiiqado dhowr ah socday uu halkaasi ku dhax maray ciidamo kala taabacsan maamulada iska soo horjeeda ee Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in xalay badi xilli dadka kunool magaalada Ceerigaabo ay hurdeen uu dagaal dhax maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo, waxaana magaalada laga dhax maqlayay dagaalka labada dhinac u dhaxeeyay.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn, waxaana magaalada wali ka taagan xiisada ka dhalatay dagaalkii xalay halkaasi ka dhacay, iyadoona laga cabsi qabo in mar kale dagaallamaan labada dhinac.

Magaalada Ceerigaabo ayaa marar badan waxaa ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo, waxaa sidoo kale halkaasi marar badan ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geestay waxgarad iyo ganacsato kunoolaa magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fadeexad iyo ceeb ka dhax taagan xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre!

admin

Maraykanka oo ku dhawaaqay Isbahaysi ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen iyo tirada dowladaha…

Cabdi Cade

Guddiyo uu Magacaabay Wasiir Axmed Fiqi oo howlgalay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---