Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Firinbi oo raali gelin siiyey askari uu ku xad gudbay

Xildhibaan Xasan Firinbi oo ka tirsan golaah shacabka baarlamanka Somalia ayaa raali gelin siiyey Isbatoore Xuseen Maxamed Xasan oo ka tirsan Booliska ilaalada xarunta baarlamanka Somalia

Firimbi ayaa 27-kii November u gacan qaaday Isbatoore Xuseen Maxamed Xasan xili uu socday kulanka golaha shacabka ka dib markii ciidan boolis ah ay is’hortaageen Xildhibaano diidanaa ansixinta iyo dhaarinta guddiga doorashooyinka Qaranka.

Feer uu Xildhibaanku riday ayaa waxaa uu dhaawac sanka ah ka soo gaaray askarigan oo dhiig badan uu ka daatay taasoo sababtay in la dhigo Isbitaalka Madiina oo xaakadiisa lagula tacaalayey.

Askariga ayaa lagu amaanay inuusan falcelin ka sameynin feerka lagu dhuftay isagoo ilaalinaya anshaxa ciidamada iyo xasaanada Xildhibaanka.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa ayaa baaqay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado xildhibaanka maadaama uu si bareer ah ugu cad gudbay askari waajibkiisa shaqo gudanaya.

Hase ahaatee talaabadan raali gelinta ah ee sameeyey xildhibaan Firimba ayaa meesha ka saareysa in dacwad lagu soo oogo, lagana qaado talaabo anshax marin ah, waxaana guul dareystay dedaal ay waday Villa Somalia oo lagu doonayey in xasaanada laga qaado xildhibaanka ka dib markii ay arrintaas soo fara geliyeen masuuliyiin kala duwan oo xeer jajab ku dhameeyey arrintaas.

Related posts

Sidee u samaysan yihiin una shaqeeyaan godadka iyo marinnada Xamaas ee dhulka hoose

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay adeeg muhiim oo Xukuumadda Xoogga saareyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo baaq ku aadan Xaalada Laascaanood u diray Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---