Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo saxiixday heshiis looga cafinayo lacag dhan $100 Milyan (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar.

Heshiiskaan uu maanta saxiixay Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.

Munaasibadda saxiixa oo koobneyd kadib, Mudane Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay Shacabka iyo Dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqay in ay saamexeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tani ay dhiirigalin u tahay Dowladda Soomaaliya oo dadaal xoogan ugu jirtan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga si loo gaaro isku filanaan dhaqaale.

Safiirka Dowladda Japan oo hadalo kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa balan qaaday in Dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Caqabado kala kulmaya Gobolka uu ku loolamayay ee Gedo !

Cabdi Cade

Wariye shaqadiisa uga tagay Dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya Owgeed

Cabdi Cade

Nin xaaskiisa oo uur laheyud iyo wiil yar uu dhalay xalay ku gubay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---