Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiir Fartaag & Abdiaziz Bin Faisal Al-Thani?

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaalafda Doha ee dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadankaas Abdiaziz Bin Faisal Bin Maxamed Al-Thani.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gudaha, Sidoo kale waxay ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya.

“Waxaan maanta magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani. Kulanka ayaan diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya iyagoo ka caawiya dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska, amniga, mashaariicda horumarinta  iyo arrimaha bani aadamnimada.

Related posts

Madaxweyne Trump oo ka guuraya gurigiisa New Yourk iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho iyo Qaar kamid ah Madaxda maamulada oo shirka ka baxay

Cabdi Cade

Tahriibayaal booyad shidaal lagu soo dhax qariyay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---