Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka socda Madasha Qorshaha Isbeddelka Qaranka?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqday xarunta ay ka socdaan sheybaarrada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Waxaa uu halkaasi kula kulmay Khubarrada iyo hawlwadeenadda ku hawlan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Mudane Saalax ayaa ku boorriyay hawlwadeennada iyo Khubarada dadaalka xooggan ay ay geliyeen sidii looga miradhalin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025 – 2029 oo la doonayo inuu dalkeenu u keeno isbeddel Qaran oo horseeda horumar bulsho iyo dhaqaale oo la taaban karo.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa natiijooyin waaweyn oo deg deg ah, iyadoo lala kaashanayo, isla markaana la mideynayo awoodaha hay’adaha kala duwan ee dawladda, bulshada rayidka, ganacsatada, maalgashatada iyo hey’adaha caalamiga ah gaar ahaan kuwa qaabilsan horumarinta.

Related posts

Dayuurad uu lacag waali ah ku soo iibsaday Madaxweyne hore oo la iibinayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo la sheegay in Fitno ka dhax abuurayo maamulada Galmudug iyo Puntland !!

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo ka jawaabtay Eedeyntii uga timid dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---