Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsigii Soomaalida ee Islii oo maanta xiran iyo dibadbaxyo socda

Waxaa maanta xiran gabi ahaan ganacsigii ka jiray xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka , waxaana halkaasi ka soda dibadbaxyo ay dhigayaan ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee degan Islii.

Dibadbaxan maanta ka socda xaafada Islii ee magaalada Nairobi , ayaa ah mid caddaalad loogu raadinayo hooyo iyo labo gabdhood oo mid ay dhashay midna habayar u ahey oo lagu dilay magaalada Nairobi laguna tuuray meydadkooda xaafado katirsan magaalada.

Dilkan loo geestay haweenkan Soomaaliyeed , ayaana argagax iyo cabsi badan ka abuuray magaalada Nairobi, waxaana laamaha ammaanka wali wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah argagaxa lahaa iyo sidii loo soo qaban lahaa dadkii geestay.

Dadka Soomaaliyeed ee maanta dhigayay dibadbaxa ayaa ugu baaqay dowladda in ay si deg deg ah usoo qabto dadkii ka dambeeyay dilka gabadha Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale dalbanayeen in dadkaasi caddaaladad la horgeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo dacwad kusoo oogtay shaqsiyaad lala xiriiriyay Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu cafis ka dalbado Ciidanka kumaandooska Danab

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo looga digay inuusan ku dhicin dabin ay Israel u dhigeyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---