Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo fuliyay Howlgal sifeyn ah (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa maamulka Jubbaland, ayaa howlgal sifeyn ah oo ka dhan kooxda Al Shabaab waxa ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Gole-shinbi ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa sheegay in howlgalkan ciidamada fuliyeen uu ahaa mid lagu sifeenayay maleeshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab oo dhibaatooyin ku hayay dadka deegaanka .

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in ay kala eryeen ayna aagga ka sifeeyeen maleeshiyaadkii katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada gacanta kusoo dhigeen sargaal kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta xoolaha shacabka xoogga uga qaataan.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa muddooyinkan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ka waday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada howlglladaasi khasaarooyin kala duwan ku gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay sare u kaca ku yimid Qiimaha shidaalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Daacish: “Taliban waxay si qarsoodi ah u fulinaysaa qorshaha Maraykanka”

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirada Imaaradaka iyo Masar u jooga Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---