Allbanaadir.com
NEWS

QM oo shaacisay xad gubyo culus oo ka socda gudaha Itoobiya

Beesha caalamka ayaa ka argagaxday’ tirada xadgudubyada xuquuqda aadanaha’ ee ka socda Itoobiya waxayna ku baaqeen in wax laga qabto.

Isbaheysiga oo 45 dal ka kooban ayaa walaac ka muujiyay tirada badan ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Itoobiya ka dib kalfadhiga 57aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM.

“Afduubka iyo xarigga aan sharciga ahayn, dilka iyo dhaawaca dadka rayidka ah, jirdilka, cabsi galinta, xadgudubyada galmada iyo jinsiga ku salaysan, iyo weerarrada hantida rayidka ah” ayay Itoobiya ku eedeeyeen.

Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaalo culus oo dhexmaraya ciidamada maamulka Abiy Ahmed iyo jabhado ku kacsan oo ka soo jeeda qowmiyadaha dalkaas

Dhinaca kale, Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM ayaa soo saaray go’aan wadajir ah oo ku saabsan kaalmaynta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya, Danjire Khadra Ducaale, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay iyadoo xustay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinacyada xuquuqul insaanka iyo qorshaha horumarinta laamaha amniga

Related posts

Sidee u dhacay Xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyay ragii dilka iyo Kufsiga u geestay Caa’isha Ilyaas

admin

Madaxweyne Zelensky oo si kulul u cambaareeyay weerar lagu qaaday dekadda Odesa

Cabdi Cade

Dagaal u dhexeeya labo Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Puntland & Galmudug oo ka socda..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---