Kooxda Daacish oo digniin adag u dirtay Xarakada Al Shabaab

Kooxda Daacish ayaa ka hadashay dilal ay sheegeen in kooxda Al Shabaab gudaha Soomaaliya ugu geesatay xubno katirsan Kooxda Daacish, kuwaa oo horey uga soo goostay Al Shabaab.

Wargeyska Al  Naba ee wax ku qora afka kooxda Daacish ayaa shaaciyay in Al Shabaab dileen xubno badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kamid noqday kooxda Daacish garabka Soomaaliya .

Daacish ayaa sheegtay in dhamaan u diiwaan gashan yihiin dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Al Shabaab u geesteen xubnaha kooxdooda kamidka ahaa, waxa ayna Daacish sheegeen in tabar daro uga aamusin ficilada Al Shabaab ayna jawaab ka bixin doonaan.

” “Waxaan diiwaangelinay dambiyada ka dhanka ah xubnaheena, ma sameynin aargudasho, nagamana aha tag darri ee waxaan dooneynaa in dadka  aan barno, waxa ay  sameynayaan Garabka Al-Qaacidda ee Soomaaliya, jawaabta Ururka Daacish waa ay soo socotaa.” Ayaa lagu yiri qoraalka Daacish.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka mamnuucday kooxda Daacish, waxaana la sheegay in Al Shabaab dileen xubno ka goostay oo kooxdaasi ku biiray halka kuwa kalana ay xirtay.

Daacish ayaa howlgalo iyo dilal qorsheesan ka bilowday gudaha Soomaaliya, waxaana kooxdan ku xoogan yihiin deegaanada maamulka Puntland halka Muqdisho sidoo kale ka fuliyaan dilal qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -