Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo mar kale soo bandhigtay magaca iyo Qabiilka 47-sano jir ka qeyb galay Weerarkii Hotel Saxafi

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay Wareysi laga qaaday ninkii labaad ee ka qeyb galay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo Jimcihii lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Mukhtaar Maxamed Ibraahim (Qeys) oo sidoo kale loo yaqaan Saalax Salagle oo 47-sano jir ah uu kamid ahaa ragii wax ka fuliyay weerarkii lagu qaaday hotelka Saxafdi.

Mukhtaar Maxamed Ibraahim ayaa kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada coolyahan, waxaana ninkan la sheegay in kooxda Al Shabaab uu ku biiray sanadkii 2011-kii uuna ka qeyb galay dagaalo iyo howlgalo kooxda fulisay.

Weerarkii Al Shabaab jimcihii ku qaadeen Hotelka Saxafi waxaa ku dhintay dad ku dhaw 50-qof oo shacab u badnaa, waxaana weerarkan Al Shabaab sheegeen in ay ku dileen saraakil iyo masuuliyiin dowlada katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Mucaaradka diidan Laftagareen oo aqbalay codsi kaga yimid Aadan Madoobe

Caydiid Ali

Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Askar ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta Q/Midoobay oo lagu dilay Magaalada Dekoa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---