Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Magaalo kutaala Soomaaliya oo laga musaafurinayo Xaasaska iyo Caruurta Al Shabaab

Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa soo saaray amar magaaladaasi looga musaafurinayo Xaasaska iyo caruurta dagaalyahanada Al Shabaab ee ku dhaqan Balad Xaawo.

Gudoomiyaha Balad Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa amray in magaalada si deg deg ah uga baxaan xaasaska iyo caruurta Al Shabaab , waxa uuna ka gaabsaday Gudoomiyaha in faah faahin badan ka bixiyo sababta dadkaasi magaalada looga saarayo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sababaha Xaasaska Dagaalyahanada Al Shabaab iyo caruurtooda looga musaafurinayo degmada Balad Xaawo ay timid kadib markii ay Al Shabaab afduubteen dad samafal ka shaqeenayay.

Idaacada BBC-da ayaa sheegtay in amarkan markii uu soo baxay Al-Shabaab la xiriireen ganacsatada iyo waxgaradka degmada kana dalbadeen in ay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah.

Maamulka degmada Balad Xaawo ayaa ka biyo diiday in ay ka laabtaan go’aanka magaalada looga musaafurinayo Xaasaska iyo Caruurta Al Shabaab kadib kulan ay la yeesheen  Ganacsatada iyo Waxgaradka Balad Xaawo.

Magaalooyin kuyaala Koonfurta Soomaaliya ayaa marar badan laga soo saaray amaro lagu musaafurinayo Xaasaska iyo Caruurta Al Shabaab, amaradan ayaana inta badan noqday kuwa aan dhaqan galin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxda dowlad goboleedyada oo mar kale kulan ku leh Muqdisho

Caydiid Ali

Fadeexad soo wajahday Garsoore uu Trump u magacaabay Maxkamada sare

Caydiid Ali

War cusub oo laga soo saaray nin toogasho ka geystay Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---