Allbanaadir.com
NEWS

Safiirro magacaaban oo kulan dardaaran ah lagula qaatay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa  kula dardaarmay xafiiskiisa Wasaaradda ee caasimadda magaalada Muqdisho safiirrada magacaaban iyo labo qunsul guud.

Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi waxa uu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha ay u xilsaaranyihiin, isaga oo sheegay in ay u howlgalaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyadoo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiirku waxa uu u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirrigeliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirrada magacaaban u sheegay in kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya ,si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalka ka socda Garowe

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaano badan oo Mucaarad ah oo Muqdisho kasoo degay

Cabdi Cade

Ciidamadii AMISOM ee shacabka ku laayay Golaweyn oo talaabo adag laga qaadayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---