Allbanaadir.com
NEWS

Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ka digtay cudurka Mpox

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay Umadda Soomaaliyeed ka wacyi gelinaysaa Xanuunka Mpox oo kiisas ka mid ah laga Helay Qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Haddaba Muwaadin si looga Hortago Xanuunka Fadlan Raac Tilmaamahan.

1- Fadlan Gaar Xarun Caafimaad hadii aad aragto Calaamadaha Xanuunkan oo ah Qandho, finan iyo Qanjirada oo barara.

2: Fadlan Ilaali Nadaafada: Si Joogto ah u dhaq Gacmahaaga.

3: Ka Fogow Xiriirka Jireed ee dadka Qaba Xanuunkan.

F.G Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Waxa ay Xaqiijinaysaa in ilaa iyo Hada uusan dalka ka Jirin Kiisas la Xiriira Xanuunkan Mpox.

Related posts

Farmaajo oo Madaxda Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir isugu yeeray & Puntland oo …

admin

Dowlada Iiran oo ku hanjabtay in Xirayso Gacanka Hormuz iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Marxuum Cali Mahdi oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---