Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo dhagax-dhigay dhismaha xafiiska mashruuca Nagaad

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha xafiiska mashruuca Nagaad, oo ah Xafiis ay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada mashruucaan oo ay maalgeliso Bangiga Aduunka

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha xafiiskaan uu wax badan ka tari doonno sidii loo dar-dargelin lahaa mashruuca Nagaad ee loo qorsheeyay in wax lagaga qabto dhismaha Kaabayaasha Isku-socodka dadweynaha, xal-u-helida biyo-mareenada iyo bulaacadaha magaalada Muqdisho.

Mashruuca Nagaad uu maalganinayo Bangiga Adduunka ayaana la filayaa in caasimadda Muqdisho ka fuliyo mashaariic dhowr ah oo muhiimad gaar ah u leh dadka degan caasimadda.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Xiriiriyaha mashruuca Nagaad ee gobolka Banaadir Omar Hussein Mohamed, Agaasimeyaal iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo loo balan qaaday taageero caalami ah ka dib shirar ka dhacay Nairobi

Caydiid Ali

Shirkada DP World oo xaalad adag lasoo daristay iyo Jabuuti oo sabab u noqotay

Cabdi Cade

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho intooda badan oo saaka xiran & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---