Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda dalalka NATO oo isku khilaafay taageerada Israel

Madaxda dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga NATO ayaa si weyn ugu kala qeybsamay taageerada Israel oo dagaal bahalnimo ah kula jirta shacabka reer Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez oo hadal ka jeediyay shirweynaha NATO ee ka socda Mareykanka ayaa ku baaqay in si mid ah loo wada difaaco shacabka Gaza iyo kuwa Ukraine.

“Haddii aan u sheegayno dadkeenna inaan taageereyno Ukraine sababtoo ah waxaan difaaceynaa sharciga caalamiga ah… Waa inaan sidaas oo kale u sameynaa Qasa.” ayuu yiri Sanchez.

Madaxweyna Turkiga Erdogan ayaa isna sheegay inuusan sii socon karin iskaashiga NATO iyo Israel.

“Turkiye uma dulqaadan doono isku dayga NATO ee ah inay la shaqeeyaan Israa’iil, Suuragal ma aha in NATO ay sii wado iskaashi ay la yeelato Israa’iil.“ ayuu yiri Erdogan.

Hadaladan ayaa ku soo aaday, iyadoo shir madaxeedka NATO ee ka socda Mareykanka looga dhawaaqay in saldhiggii u horreeyay ay NATO ka sameysan doonto Jordan dalka Jordan, kaasoo la aaminsan yahay inuu taageerro militari iyo warbixinno amni siin doono Israa’iil, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada bariga dhaxe iyo galbeedka Afrika.

 

Related posts

Golaha Amaanka oo Shir Xasaasi ah ka yeelanaya Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Kenya oo yeelatay Madaxweyne ku-xigeen cusub

Caydiid Ali

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Woqooyiga Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---