Allbanaadir.com
NEWS

Talyihii ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Magaalada Gaza oo iscasilay

Taliyihii ciidanka Israa’iil ee ka dagaalamaya magaalada Gaza ayaa ku biiray saraakiisha sare ee Israa’iil oo xalay is casilay,

Waxaa uu qirtay inuu ku guuldareystay inuu ilaaliyo khatarta ay kala kulmayaan marinka Qasa, ayna guul ka gaaraan dagaalka mudada 8 bilood ah ay kula jireen Falastiiniyiinta.

Talaabadan ayaa timid wax yar ka dib markii isla xalay Saddex Wasiir oo ka tirsan xukuumadda dagaalka ee Netanyahu ay is casileen.

Benny Gantz oo ah musharrixii uu sida dirqiga ahaa doorashadii u dambeysay uga guuleystay Netanyahu oo iskaashiga wanaagsan la leh Mareykanka ayaa ka mid ah wasiirrada is casilay.

Wuxuu ku dhawaaqay inuu sidoo kale xisbigiisa kala baxay xukuumadda Netanyahu, halka Gadi Eisenkot, taliyihii hore ee militariga Israa’iil oo ka mid xubnaha ugu muhiimsan xukuumadda dagaalka Netanyahu  uu isna is casilay, xisbigiisana kala baxay, isla waddadan waxaa raacay Heli Troper

Iscasilada wasiirradan iyo saraakiisha ciidamada ayaa loo arka inay dedejinayso fashilka xukuumadda Netanyahu, iyadoo dhammaan siyaasiyiintan ay dadaal gelin doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho.

Xaaladan jahwareerka ah si deg deg ah looma sheegi karo saameynta ay ku yeelanayaan dagaalka Qasa oo udub-dhexe u ah khilaafka gudaha Israa’iil, sababtoo ah xubnaha is casilay ayaa ku eedeyay Netanyahu inuu ku fashilmay dagaalka.

Related posts

Musharaxiinta oo dhaliilay guddigii uu Rooble u Magacaabay dhalinyarada ku maqan Eritrea

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo bilaabay Dagaal Siyaasadeed ka dhan ah Kheyre !!

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay go’aanadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---