Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Digniin u dirtay dadka Warbaahinta iyo baraha bulshada sida khaldan u isticmaala

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka hadlay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada eeĀ  ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulsada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

ā€Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan,qof maanta cabsi darteed awoodi wayay in uĀ  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah,sharcigana waafaqsan in u jiro umalayn maayo sidan Aaminsanahay,Mabdaā€™a xuquuqul Insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,waana lama taabtaan,dastuurka iyo sharuucda dalka ayey ku qoraantahay.

Sidoo kale Al-CadaalaĀ  ayaa sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadal ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada ,waxaan la arkaya Idaacaddo ay ka socdaan gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso,waxaa nuucaas ah Anshaxa iyo xeerarka Saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata,waana in aan kala saarno wixii anshaxa saxafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana,dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka,anshaxa,Islaamnida,dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen,sharciga ayaana la geyn doonaā€.

Dhanka kale wasiirka wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Mukhtaar Roobow Cali iyo qaar ka mid ah Culuma udiinka Ā ayaa si kuluul uga hadlay saameynta si xun u isticmaalida barah bulshada loogu soo gudbiyo waxyaabo aysanĀ  Diinta Islaamka iyo Shaceerda raalli ka ahayn in bulshada lala wadaaggo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dhalinyaro ah oo Dhibaato u gaar ah kala kulmay Xayiraadii Caronavirus (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo arrimo Muhiim ah kala hadlay Madaxa hay’adda WFP (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo: DF oo ka hadashay Saraakiil la dilay, Puntland oo eedeysay Somaliland & Warar kale

Caydiid Ali