Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu yahay Ololaha cusub ee uu Wasiir Fiqi ka wado Wasaaradiisa?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa daahfuray wejiga koowaad ee ololle lagu beerayo Xarunta Wasaaradda illaa iyo 2,000 geed.

Waxay iskugu jiraan geedahan kuwa miraha, harka iyo ubaxa, iyadoo olollahan uu ka qeyb yahay hindisaha cagaaraynta Soomaaliya.

Olollahan ayaa waxaa ka qeyb galay tobaneeyo shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo beerayay noocyo kala duwan oo geedo ah, iyadoo tani ay tahay dadaal wadajir ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, lagu xoojinayo cagaaraynta.

Hadal uu ka jeediyay daahfurka olollahan, ayuu Wasiir Fiqi yiri ” Olollahan wuxuu ka qeybyahay olollaha cagaaraynta Soomaaliya, waxa aanan ku beerayntaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga illaa iyo 2,000 geed oo iskugu jira kuwa miraha , ubaxa iyo harsiga leh. Hindisahan waxa uu ka dhiganyahay ka-qaybqaadashadeena cusub ee ilaalinta deegaanka “Hal geed oo aad beertid, waa nolol cusub oo aad soo korodhisay.”

Related posts

Munaasabad weyn oo lagu qabtay Tiyaatarka iyo Farmaajo oo Shacabka bogaadiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraar ka dhan ah Go’aankii Donald Trump oo loo gudbiyay Golaha Amaanka

admin

Shaqsiyada Ninkii laayay ardayda iskuulka Florida oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---