C/xakiin Camey oo ka soo horjeestay go’aanadii dowlad goboleedyada ee Garowe

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee ka soo baxay shirkii Garowe, isagoo dhinaca kale ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada

Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada ku eedeeyey inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo go’aanadii ka soo baxay Shirkii Garowe ku sifeeyey kuwo aan laga fiirsan.

Waxaa uu hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii Madaxweyne Farmaajo.

“Go’aamaadaasi waxaan u arkaa riyo maalmeed, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa baaqii madaxweynaha ee ku saabsanaa in la wada hadlo ayey diideen hadde xagee loo socdaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Madaxda dowlada goboleedyada ayuu sheegay iney dowlada federaalka ku eedeynayaan wax ay iyagu ay qaban waayeen, ayna ku hayaan handadaad joogto ah taasoo uu xusay iney tahay wax aan la aqbali Karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -