Allbanaadir.com
NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo soo dhoweysey talabooyin ay qaaday dowlada Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Somaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Almuwallad.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashi u dhexeeya labada dal, isagoo uga mahad celiyay kaalinta walaaltinimo ee boqorotooyadu ugu jirto shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale danjiraha ayaa bogaadiyey guulihii ay gaartay Dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka aragaxisada, ku biiritaankii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, dayn cafinta iyo ansaxinta afarta cututb ee ugu horraysay Dastuurka KMG ah.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka carabta ee taageerada dhaqaale siiya dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale Sacuudiga uu mashaariic kala duwan oo iskugu jira horumarin iyo samafal ka wadaa meelo ka mid ah dalka.

Related posts

Ciidanka xoogga dalka oo deegaanno dhowr ah kala wareegay Al Shabaab

Cabdi Cade

Kaniisada Midaynta oo Sabab u noqotay dilkii Ra’isul Wasaare hore Shinzo Abe

Cabdi Cade

Mid kamid Odayaashii soo doortay Mahad Salaad oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---