Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu dhigayaa heshiiska xabad joojinta ee ay aqbashay Xamaas? (Faahfaahin)

La-taliyaha madaxa siyaasadda Xamaas, Taher Al-Nunu, ayaa xaqiijiyay faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta ay aqbaleen.

“Waxaan aqbalnay soo jeedin ay ka mid tahay xabbad-joojin, dib u dhis lagu sameeyo Qasa, inay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay waqooyiga Qasa, iyo sii deynta maxaabiista.” ayuu yiri

Ma jiro weli wax jawaab ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku aadan warka ku saabsan in Xamaas ay aqbashay heshiiska.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oggolaanshaha Xamaas ee xabbad joojinta;

“Hadda tallaabadaas oo kale waa inay Israa’iil qaado-Waxaan ugu baaqayaa reer galbeedka inay cadaadis saaraan maamulka Israa’iil,” ayuu intaas ku daray.

Mareykanka ayaa isna sheegay inuu dib u eegis ku sameynayo jawaabta Xamaas ee xabbad joojinta iyo soo jeedinta la haystayaasha “Mareykanka wuxuu helay jawaabta saacaddii ugu dambeysay waana qiimeynaynaa” ayuu yiri.

Al-jazeera oo xiganaysa ilo-wareedyo ayaa sheegtay heshiiska ay oggalaatay Xamaas inuu dhigayo saddex waji oo xabbad-joojin mid kasta soconaysa 42 maalmood.

Xabbad-joojinta ayaa billaaban doonta wejiga koowaad, iyadoo ay weheliso ka bixitaanka Israa’iil ee marinka Netzarim oo ay Israa’iil u isticmaasho kala qaybinta waqooyiga iyo koonfurta Qasa, taasoo ah mid ay Xamaas ku doonayso isku socodka Qasa inuu noqdo mid furan oo xor ah.

Wajiga labaad waxaa ka mid ah in la ansixiyo in si joogto ah loo joojiyo howlgallada militari, duqeymaha iyo howlgallaya basaasnimo ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyo in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Qasa.

Soo jeedinta ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah qodob ansixinaya joojinta xayiraadda Qasa oo lagu gaarayo wajiga saddexaad, waxayna ka dhigantahay in Israa’iil ay go’doominta ka qaadayso Qasa.

Related posts

Arday garaacis ku dilay Macalimadiisa Iskuulka oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade

Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay

Cabdi Cade

Dayuuradaha Israel oo buuxiyey hawada Lubnaan iyo xiisada oo sare u sii kaceysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---