Dowlada Somalia oo bilowday abaabulka qorshe cusub oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Dowladda Somalia oo kaashaneysa Maamulada gobolada Gedo, iyo Jubooyinka ayaa Magaaladda Muqdisho ka wada qorshe ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dhawaan loo doortay.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay inay wadaan qorshe doorasho kale loogu qabanayo Jubbaland si loo doorto hogaan ay taageersan tahay DF.

Waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintii Degmooyinka Gedo, iyo Jubbadda Dhexe ay ku sugan yihiin Magaaladda Muqdisho, isla markaana la sugayo mas’uliyiinta Jubadda Hoose iyo Magaaladda Kismaayo.

Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in qorshaha Muqdisho la isugu yimid ay tahay sidii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Mas’uliyiinta kale ugu wada-hadali lahaayeen qorshaha Jubbaland cusub lagu dhisayo.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe ayuu sheegay inay aheyd mid sharci daro ah, doorashada ay hadda abaabulayaana ay tahay mid xalaal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay iney aqoonsaneyn doorashadii Axmed Madoobe iyo kuwii kale ee ka dhacay Magaaladda Kismaayo, iyadoo tilmaantay iney ahaayeen kuwo baalbarsan cadaalada oo aan xalaal aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -