Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed-bax ka dhan ah Farmaajo oo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan waxaa caawa ka socda dibed-bax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo.

Waxaa dibed-baxa dhigaya dhigaya dad u badan dhalinyaro ka tirsan dadka degaanka Shiirkole, waxayna ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Farmaajo oo ay ka mid yihiin “Dagaal sokeeye dooni meyno. Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno” iyo qaar kale

Xaafadda Shiirkole ayaa waxay hadda fariisin u tahay taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon oo ay isku dhaceen Madaxweyne Farmaajo

Saadaq Joon ayaa wata ciidamo iyo gaadiid uu kala goostay DF, waxaana xaafada Shiirkoole oo ay beeshiisu ku badan tahay lagu jaray jidadkeeda Carro ay difaac kaga jiraan ciidamada taabacsan Saadaq Joon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo kulamo kula leh Magaalada Kambala madaxda Ugandha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---